Published On: Mon, Jan 30th, 2017

Xisbiga u taliya Faransiiska oo musharrax u doortay Benoit Hamon

farance

Codbixiyayaasha Faransiiska ayaa u doortay siyaasiga garabka bidix ee Benoit Hamon in uu musharrax u noqdo xisbiga Socialists-taha doorashada madaxtinnimo ee April dalkaasi ka dhici doonta.
Wareegga labaad ee doorashada xisbigaasi ayaa Mr Hamon waxa uu si buuxda uga guuleystay ra’iisul wasaarihii hore Manuel Valls.

Guusha Benoit Hamon ayaa iftiiminaysa cidda ku loolami doonta doorashada madaxtinimada Faransiiska ee dhacaysa bisha April.
Waxaa la tartami doona Francois Fillon oo ka tirsan xisbi midig dhexe ah iyo Marine Le Pen oo hogaamisa xisbi mid fog ah.

Hamon ayaa doonaya in haddii la doorto uu isbedel ballaaran ku sameeyo hannaanka siyaasadeed ee Faransiiska, oo aan xoogga la saarin oo keliya kobaca dhaqaale
Shacbiyaddiisa ay sare u kacday markii uu soo jeediyaya qorshayaal uu ka mid yahay in dhammaan shacabka Faransiiska la siiyo mushaar bil kasta ah.

Balse dadka ka faalooda siyaasadda Faransiiska ayaa sheegaya in xisbigiisa talada haya ee Socialist-aha uu ka shacbiyad hooseeyo kuwa la tartamaya.

Ninka ugu cadcad tartanka, Francois Fillon, ayaa maalma ka hor lagu eedeeyay in xaaskiisa uu mushaar siiyay ka dib markii ay howl siyaasadeed u qabatay, balse Mr Fillon ayaa beeniyay oo sheegay in aan wax caddeyn ah loo hayn eedeyntaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300