Published On: Mon, Jan 30th, 2017

Masaajid Kanada ku yaalla oo lagu soo warramayo in afar ruux lagu dilay

booo

Ugu yaraan afar ruux ayaa ku dhimatay rasaas lagu furay masaajid ku yaalla magaalada Quebec ee dalka Kanada.

Rasaasta ayaa lagu furay Xarunta Dhaqanka Islaamka ee Quebec habeenimadii Axadda, sida ay booliisku sheegeen.

Facebook-ga xaruntaas yaa la soo dhigay booliis taagan bannaanka goobta ay wax ka dhaceen, waxaana muuqaalkaas lagu soo dul qoray dhimasho ayaa jirta.

Booliiska magaalada Quebec ayaa sheegay in ay xireen labo ruux laakiin wali faahfaahin dheeri ah kama aysan bixinin dhimashada iyo dhaawaca. Goobjooge ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in saddex ruux oo hubaysan ay ka qaybqaateen weerarkan, isla wakaaladduna waxay ku warantay in ay masaajidka galeen askar hubaysan oo ku xeel dheer xeeladaysiga.

Soomaali qoxootinimo ku galay Kanada oo wasiir noqday
Canada oo ka hortagtay weerar argagixisnimo
Rasaasta ayaa ka dhacday masaajidka oo ku yaala chemin Sainte-Foy, oo ka mid ah labo masaajid oo ay gacanta ku haysto Xarunta Islaamka.

Booliiska ayaa isku gadaamay masaajidka, baraha ay bulshadu ku xiriirtana waxaa la soo dhigay muuqaal muujinaya tiro gawaarida gurmadka degdega ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300