Published On: Sat, Jan 28th, 2017

Shabaab oo shaaciyay magaca nin ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii Hotel Dayax

Cabdiraxmaan-Fatxi-Cabdullaaahi-Dheeg

Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay magaca nin ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii Shabaab ay ku qaadeen Arbacadii la soo dhaafay Hotelka Dayax ee Muqdisho.

Idaacada Andalus ee Shabaab afkooda ku hadasha ayaa laga soo daayay Wareysi Maqal ah oo ninkaasi laga qaaday, kaasi oo ka hadlaya sababta ku kaliftay inuu isqarxiyo.

Ninkaan ayaa lagu magacaabaa C/raxmaan Maxamed Cabdulle (Koronto) kaasi oo ahaa ninkii ka dambeeyay dilkii horay loogu geystay Taliyihii Nabad Suggidda Ciidamada Jubbaland Ciise Kaambooni, kadibna ka baxsaday gacanta ciidamada Jubbaland.

Ninkaan oo aaminsanaa Fekerka Shabaab ayaa sheegay sababta uu ku doortay isqarxinta ku sheegay inuu fiirsan waayay waxa ka socda caalamka ee dhibaatada dadka islaamka loo geysanaayo.

C/raxmaan ayaa waxaa xusid mudan inuu laayay dad Islaam ah, balse Shabaab agtooda marka loo eego ay u aaminsan yihiin inaysan islaam aheyn dadkaasi uu laayay C/raxmaan.

Aragtida qaldan ee Ururka Al Shabaab ay ka dhaadhiciyaan dhalinyarada u dagaalanta ayaa qaarkood ku mayal adeega fekerka ku aadan in wadada ay hayaan ay tahay mid sax ah.

Weerarkii Arbacadii la soo dhaafay lagu qaaday Hotelka Dayax ee Muqdisho, ayaa waxaa fuliyay Shan ruux oo uu ka mid ahaa Ninkaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300