Published On: Sat, Jan 28th, 2017

Qaramada Midoobay oo ka digtay Musuq maasuq ka dhaca Doorashada Madaxweynaha Somaliya

ket_1

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya, Michael Keating ayaa ka digay musuqmaasuq la filan karo doorashada Madaxweynaha Somaliya ee bisha soo aaddan.

Keating oo warbixin ka jeediyay Golaha Ammaanka ayaa sheegay in shaqada ugu muhiimsan ee hadda hortaallaa tahay hubinta in doorashada Madaxweynaha ku qabsoonto xilliga loo qorsheeyay.

Ergayga, ayaa Qaramada Midoobay u sheegay Jimcihii in xilligani uu u yahay xilli wanaagsan, maadaama laga soo gudbay marxalad wakhti dheer qaadatay oo lagu soo doortay Baarlamaan, 11 cisho ka dibna la filayo doorashada Madaxweynaha Somaliya.

“Nasiibdarro, musuq maasuq ayaa ragaadiyay bulshada Somaliyed, taas oo ay dhici karto inay saameyn ku yeelato doorashada Madaxweynaha, waxaana jira walwal laga qabo in codadka Baarlamaanka la iibsado, waxaase muhiim ah in doorashadu ku dhacdo si hufnaan iyo xalaal ah.”, ayuu yiri Keating.

Guddiga qaban qaada doorashada Madaxweynaha Somaliya ayaa ku dhawaaqay in 8 February ay tahay wakhtiga doorashada Madaxweynaha Somaliya, iyadoo la filayo in 15 musharrax ay u tartamaan xilka ugu sarreeya ee Villa Somaliya.

Walaaca Beesha caalamka ayaa sii kordhaya, maadaama Musharaxiin kala duwan ay xilkaan u taagan yihiin, balse ay jiraan kuwa qarash la taagan oo doonaya in qaab musuq ah ay ku soo baxaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300