Published On: Sat, Jan 28th, 2017

IGAD oo ka digtay weerarada Al-shabaab ka geystaan gudaha Soomaaliya

igad

Urur goboleedka IGAD ayaa digniin kasoo saaray weerarada Al-shabaab ka geystaan gudaha dalka Soomaaliya, iyaga oo ka hadlay weerarkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Hotel Dayax.

War Qoraal ah oo kasoo baxay IGAD ayaa lagu cambaareeyay weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhacay Hotel Dayax ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka IGAD waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay maleegayaan weeraro ka dhaca gudaha dalka Soomaaliya, balse loo baahan yahay in feejignaan dheeri ah laga galo weerarada.

“Waxaan ka digeynaa weerarada Shabaab, Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM mar walba waxaa looga baahan yahay in ay sugaan amniga, si looga hortago weerarada Dhagar qabayaasha ayaa lagu yiri.” ayaa lagu yiri qoraalka ah ee ka soo baxay IGAD.

IGAD ayaa qoraalka ku sheegtay inay kordhin doonaan taageeraada ay siinayaan dowladda Soomaaliya, si looga guuleysto amni darada dalka Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300