Published On: Sat, Jan 28th, 2017

Guddoomiyaha degmada Qandala oo sheegay in jidka loo galay gaari ay la socdeen Askar iyo dad rayid ah

MR.-FIRIN-640x705-620x330

Guddoomiyaha degmada Qandala Shirin Maxamed Quurshe oo Warbaahinta Qaranka u warramay ayaa sheegay in jidka loo galay gaari ay la socdeen Askar ka tirsan Ciidammada Puntland iyo dad rayid ah.

Falkan oo dhacay shalay gelinkii dambe ayaa guddoomiyuhu sheegay in maleeshiyad hubeysan  ay gaariga ku joojiyeen meel 35-km u jirta degmada Qandala, isla markaasna ay sagaal nin oo Askartooda ka tirsan kala dageen, walo qaar ka mid ah oo cagahooda ku baxsaday uu sheegay iney khadka tilifoonka kula soo xiriireen.

Guddoomiyaha degmada Qandala Shirin Maxamed Quurshe ayaa sheegay in saakay ciidammo ay u direen deegaanada lagu tuhmayo iney ku suagn yihiin Maleeshiyaadkaasi kuwaasoo sameynayo howlgallo lagu soo badbaadinayo dadka ay afduubteen iyo kuwa howdka ku baxsadayba.

Maleeshiyada ayaa la sheegay iney fasaxeen gaarigii oo ay la socdeen haweeney carruur sidatay iyo darawalkiiba

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300