Published On: Sat, Jan 28th, 2017

Askari Kenyan ah oo ka badbaaday weerarkii Kulbiyow oo eedeeyay Saraakiisha Kenya

KDF-620x330

Askari ka tirsan Ciidankii Kenya ee ku sugnaa Deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada hoose oo ay shalay weerareen Al-Shabaab,ayaa sheegay in weerarkaas ay xogtiisa hayeen kuna talo jireen in la weerarayo laakiin ay madaxda Ciidankaas iska indha tireen.

Askariga oo la hadlay Wargeyska The Star,ayaa magaciisa loo qariyay sababo amni,waxaana uu Askariga sheegay in Al-shabaab ay weerarkaas qorsheeyeen 15-ka January 2017,si ay ugu xusaan Weerarkii Ceel Cadde ee 15-kii January 2016-ka,laakiin ay Ciidanka Kenya xogtaas ka warheleen Al-Shabaabna baajiyeen weerarkii.

Waxa uu sheegay in ay dib u dhigeen Weerarka islamarkaana fuliyeen labo todobaad kaddib xilligii uu qorshaha ahaa,waxaana uu xusay in markii weerarka Kulbiyow dhacaayay ay Ciidanka Kenya qaarkood hurdayeen.

Askariga ayaa ku eedeeyay Saraakiisha Ciidanka ee Xeradaas joogtay in ay yihiin kuwo madax adag oo aan qaadaneyn talooyinka Sirdoon ee ay helaan.

Waxa uu sidoo kale dhaliil u jeediyay Dowladda oo aan waxba ka qaban Askarta la baxsata Gaadiidka Ciidank oo aan la dabagalin,waxaana uu sidoo kale isweydiiyay halka ay aadi karaan Askar leh 10 Sano oo qibrad Ciidan ah oo shaqada laga eryay sabab la’aan.

Hadal heynta shacabka Kenya ayaa saaka ahayd in weerarkii Kulbiyow la mid yahay kii Ceel Cadde,dowladdana madaxa boorka ka ceshaneyso markii ay beenisay sheegashadii Al-shabaab ee weerarkaas.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300