Published On: Fri, Jan 27th, 2017

War Deg Deg ah:- Al-shabaab oo Weerar ku qaaday Saldhiga Ciidanka Kenya ee Kulbiyoow

al shabaab

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Dagaal Culus ay Dagaalameyaasha Al-shabaab  Saakay Aroortii ku qaadeen Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyoow oo ah Degaan hoostaga Degmada Badhaadhe ee isla Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo ah mid aad u Culus ayaa la soo sheegayaa in Labada Dhinac ay isku adeegsadeen Hubka Nuucyadiisa kala duwan,waxaana Kulbiyoow Fariisin ku leh Ciidamada Kenya.

Illaa hadda lama Oga  Khasaaraha kala gaaray Shabaab iyo Ciidamada Kenya.

Shabaab Weerar Ciidamo badan oo Kenyan ah ay ku dileen waxaa Sanad ka hor ay ku qaadeen Degaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300