Published On: Fri, Jan 27th, 2017

Trump oo canshuur dheeraad ah saaray alaabta Mexico si dhismaha derbiga loogu bixiyo

_93831783_gettyimages-598121768

Madaxweynaha Mareykanka ayaa doonaya in canshuur dheeraad ah la saaro alaabta Mexico lagu sameeyo ee dalkiisa lagu iibiyo, si lacagtaas loogu bixiyo qarashka derbiga, sidaasi waxaa sheegay afhayeenka Aqalka Cad.

Qorshaha ayaa lagu baaqay saacado ka dib markii madaxweynaha Mexico uu joojiyay booqasho uu ku tagi lahaa Washington, ka dib qilaaf ka dhashay cidda bixineysa qarashka derbiga xuduudda laga dhisidoono.

Laakiin Aqalka Cad ayaa sheegaya in canshuur kordhinta ay tahay tallaabada keli ah ee hadda u furan.

Mexico oo qeexday qaabka ay Trump ula dhaqmeyso

Mexico iyo Trump oo isku haysta qarashka derbiga

Donald Trump ayaa arbacadii saxiixay amarka lagu dhisayo derbiga xuddda dhanka Koofureed ee Mexico uu kala wadaago Mareykanka.

Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Mexico, Luis Videgaray, ayaa ka jawaabay qorshaha Mareykanka ee alaabtooda Mexico lagu saaro canshuur boqolkiiba 20 ah.

Ujeedada canshuurtaas ayaa ah in la bixiyo qorshka derbiga uu qorsheynayo madaxweyne Trump.

Mr Videgaray wuxuu sheegay in canshuurta noocaas ah ay saameyndoonto shacabka Mareykanka, ayna qaali noqondoonaan laga billaabo Qudaarta illaa qalabka gawaarida iyo waxkastaa.

Wuxuu ku celiyay in Mexico aysan bixindoonin qarashka derbiga, taas oo uu ku tilmaamay inay bahdil ku tahay qarrannimadooda.

Inay dhaqaalaha Mexico bixiso waxay ahayd mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu muhiimsanaa Trump ee xilligii ololihii doorashada.Meelaha qaar waxaa haddaba ka dhisan derbiyo kala goynaaya Mexico iyo mareykanka

Laakiin, madaxweynaha Mexico, Enrique Pena Nieto ayaa markastaa diidayay inay qarashka bixiyaan, Shalayna wuxuuba diiday inuu ka qeybgalo kulanka isbuuca soo socda ee Aqalka Cad.

Saacado ka dib, afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer, wuxuu saxaafadda u sheegay in madaxweyne Trump uu arrinta dhaqaalaha derbiga kala hadlay xildhibaanada, ayna qeyb ka noqondoonto isbedelka canshuurta ee aqalka Congress-ka uu qorsheynayo.

Wuxuu sheegay in boqolkiiba 20 canshuur ah oo la saaro alaabta Mexico, in laga heli karo 10 bilyan oo dollar sanadkii.

Madaxweynaha Mexico oo baajiyay kulan uu la qaadan lahaa Trump

Shan arrimood oo Trump uu ku sheegay Soomaalida

“Hadda dalkeena wuxuu canshuuraa alaabta aan dhoofino, midda na loo keenana si canshuur la’aan ah ayey isaga socotaam, taas oo ah doqonnimo”, ayuu yiri afhayeenka Aqalka Cad,

Wuxuu intaas raaciyay in “Canshuurta dheeraadka ah ay si fudud u bixineyso dhaqaalaha ku baxaya dhismaha derbiga”.

Sidoo kale, madaxa shaqaalaha Aqalka Cad Reince Priebus, ayaa sheegay in arrinta canshuurta ay ka mid tahay tallaabooyiin dhowr ah oo uu qaadi doono Donald Trump.

Falanqeyn: Canshuurta xuduudda lama aqbali karo

Madaxweyne Pena Nieto waxaa loo arki lahaa qof daciif ah haddii uu booqan lahaa Aqalka Cad.

Dad badan oo reer Mexico ahna waxay noqon lahaayeen waxa uu hadda Donald Trump uu ku sheegay ama waxay la mid noqon lahayd inay aqbaleen bixinta qarashka derbiga.

Haddii taasi aysan ahayn arrinta ugu horeysa, waxay noqon lahayd midda ugu dambeyn dhacda.

Dabcan, waxaay hadda gaartay in Aqalka Cad uu sheego in madaxweyne Trump uu canshuur xad dhaaf ah saarayo alaabta Mexico ay u dhoofiso Mareykanka.

Mexico ayaa Mareykanka geyso alaab lagu qiyaasay $300 bilyan oo dollar sanadkastaa. Saameynta tallaabada Trump waxaa laga dareemidoonaa dalka oo dhan.

Waxaa intaasi dheer, fikradda ah qarashgareynta derbiga in loo maro qadad kale waa arrin aysan aqbalikarin inta badan shacabka dalka Mexico.

Ficillada nacaybka miyey kordhayaan ka dib guushii Trump?

Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?

Waxay u arkaan inay tahay mid aan loo baahneyn, oo bahdil ah, qaali ah, iyo mid aanan dhici karin.

Asigoo hadaba ah hogaamiyaha shacabka, madaxweyne Pena Nieto, oo 18 bilood xafiiska ay uga dhiman tahay, ma haysto fursad kale oo aan ka ahayn inuu farriinta gudbiyo iyo in uusan shaqsi ahaan la kulmin Donald Trump

Qilaafka u dhexeeya labada dal ee deriska ah, ganacsiga uu ka dhexeeya ayaa sii xumaaday, ayadoo Trump uu maalmo un madaxweyne yahay.

Ka dib markii Mr Pena Nieto uu ka baaqday kullanka, Mr Trump wuxuu sheegay in “kullanka uu noqonayo mid aan micno ku fadhin” haddii Mexico aysan Mareykanka xushmeynin, aysanna bixin qarshka derbiga.

Xilli sii horeysay, madaxweynaha Mexico wuxuu sheegay inuu ka xun yahay qorshaha dadka lagu kala xannibaayo.

Hadal uu TV-ga ka jeediyay, Hogaamiyaha dalka Mexico wuxuu qaranka u sheegay: “Horeyna waan u sheegay, haddana wan ku celinaayaa. Mexico ma bixin doono dhaqaalaha dhismaha derbiga”.

Wuxuu ka hadlay “musiibo” ka taagan xuduudda dhanka Koofureed ee Mareykanka uu Mexico kala wadaago. Hadalkaas wuxuu jeediyay xilligii uu saxiixayay amarka.

Wuxuu sidoo kale la hadlay qaar ka mid ah ciidamada amniga gudaha ee Mareykanka ka shaqeeya.

Amarka waxaa qeyb ka ah in la shaqaaleysiiyso 10 kun oo ciidamo oo suga amniga xuduudda.

Miyay tahay in laga cabsado guusha Trump?

Donald Trump oo taageersan jirdilka

“Dal aan xuduud lahayn, dal maaha,” ayuu yiri. “Laga billaabo maanta Mareykanka wuxuu dib u soo ceshanaayaa maamulidda xuduudeeda.”

Donald Trump wuxuu sheegay in xiriirka Mexico uu la wadaago uu wanaagsanaan doono.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300