Published On: Fri, Jan 27th, 2017

Madaxweyne Gaas oo balan qaad sameeyay

gaas-2-238x178

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo safaro ku maraya Degaanada ay Abaaraha ka jiraan ee Maamulka Puntland ayaa balan qaad u sameeyay Dadka halkaasi ay ku saameeyeen Abaaraha.

C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Maamulka Puntland oo shalay gaaray Degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa waxa uu sheegay Maamulka Puntland in uu dhaqaale dheeri ah uu ku bixinayo sidii loo badbaadin lahaa Dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas mar walba Puntland in ay diyaar u tahay sidii loo samata bixin lahaa dadka ay Abaartu ku habsatay Ugu dambeyntii C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa balan qaaday in Degaanada qaar ee Abaaraha ay ka jiraan laga furi doono xafiisyo si loola socdo dhaq dhaqaaqa dadka halkaasi ku nool

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300