Published On: Fri, Jan 27th, 2017

Maamulka Jalalaqsi oo ka hadlay Nin ku dhintay Xabsiga Ciidamada AMISOM

Howlgallo_Baladweyne_2-696x519

Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa faah faahin ka bixiyay 5 Ruux oo Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku xireen Kunteenar yaalla Xarun ay ku leeyihiin Degmada Jalalaqsi.

Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Jalalaqsi, Ibraahin Madoobe Nuuriye oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxuu sheegay in Ragga la xiray midkood uu ku dhex dhintay Kunteenarkaasi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in waxba aysan kala socon sababta ka dambeysa xariga Ciidamada Jabuuti ay u geysteen Dhalinyaradaasi.

Mr. Ibraahin Madoobe ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi in uu wax ka ogaa xariga dhalinyaradan ay u geysteen Ciidamada Jabuuti, waxuuna intaas ku daray in uu ku sugnaa Xerada Ciidamada Jabuuti.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Jabuuti oo ku aadan eedeyntan la xiriirta in dhalinyaro ay Kunteenar ku xireen midkood uu dhintay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300