Published On: Fri, Jan 27th, 2017

Kaaliyaha Trump ayaa warbaahinta Maraykanka ku tilmaamay xisbi mucaarad ah

nin

Kaaliyaha dhanka istaraatiijiyadda ee madaxwayne Donald Trump ayaa warbaahinta Maraykanka ku tilmaamay xisbi mucaarad ah, wuxuuna ugu baaqay “in ay aamusaan”

Stephen Bannon ayaa sidoo kale wargayska New York Times u sheegay in warbaahinta Maraykanku ay wejiggabax kala kulmeen filasho la’aantii guusha madaxweyne Trump.

Warbaahinta iyo Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka ayaa isku qabtay tirada dadkii ka soo qaybgalay caleemo saarka mdaxaynaha cusub ee Maraykanka.

Sidoo kale waxay su’aal galiyeen sheegashadiisii ahayd in malaayiin ruux ay si sharcidarro ah u codeeyeen.

Stephen oo khadka taleefanka ugu waramay wargeyska ayaa sheegay in warbaaahintu iska aamusto intii xoogaa ah oo ay iyadu wax dhagaysato.

Wuxuu sheegay in warbaahintu xisbi mucaarad ah tahay, xoogaa ka dibna wuxuu sii raaciyay in uusan ka wadin xisbiga Dimuqraadiga ah.

Stephen waxaa kale oo uu ku dooday in warbaahinta aysan fahamsanayn dalka.

Wuxuu sheegay in aysan wali fahmin sida uu madaxweyne ku noqday Donald Trump.

Waraysiga intiisa badan wuxuu uga hadlayay warbaahinta ama kuwooda caanka ah, si kastaba ha ahaatee wuxuu magacooda soo qaaday New York Times iyo Washington Post.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300