Published On: Fri, Jan 27th, 2017

Israa’iil oo “qaabileysa 100 ka mid ah caruurta agoonta Suuriya

israa,il

Maamulka Israa’iil ayaa markii ugu horeysay ansixiyay qorshe lagu qaabilayo 100 ka mid ah caruurta agoonta ku noqotay colaadda dalka Suuriya.

Sida ay ku warramayaan warbaahinta Israa’iil, caruurta waxay helidoonaan sharciga deganaanshaha, afar sano ka dib.
Israa’iil waxay horey dagaal kula jirtay maamulka Suuriya, balse waxay hadda u muuqataa inay dhexdhexaad ka tahay dagaalka hadda dalkaasi ka taagan.

Si kastaba, kumannaan qof oo ku dhaawacantay dagaalka Suuriya ayaa horey loogu daaweeyay cisbitaallada Israa’iil.
Suuriya oo Israa’iil ku eedeysay Duqeymo
Diyaaradaha Israa’iil oo duqaymo ka gaystay gudaha Suuriya
Waxaa qorshaha qaabillaada ka mid ah, in agoonta la siiyo guryo, ka dibna waxbarasho loo billaabo, sida uu ku warramay Channel 10 News.

Sidoo kale waxaa loo geynayaa qoysas ay la noolaadaan ama korsado, sida wararka ay sheegayaan.
Israa’iil ayaa sidoo kale dooneysa in ugu dambeyn la qaado qaraabada ugu dhow ee caruurtaas si ay ula midoobaan.

Duqeyntii ugu xumeyd oo ka dhacday Xalab
Carruurta xalab oo xanuunnada dhimirku ku soo badanayaan
Dhowaanahan, Israa’iil waxay daaweysay in ka badan 2,600 oo qof oo ku dhaawacmay colaadda Suuriya.
Dadkaas waxaa lagu kala daaweeyay cisbitaallo ku yaalla gudaha dhulka Israa’iil iyo kuwa ku yaalla buuraha la haysto ee Golan Heights.

Bishii dhammaatay, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, wuxuu sheegay in dowladdiisa ay eegeyso qaabab ay sare ugu qaadi karto kaalmada daawada ee Suuriya ay siiso

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300