Published On: Fri, Jan 27th, 2017

Dagaal culus oo xalay ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa xalay dagaal culus ku qaaday saldhig ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsaday, ayaa yimid markii ay Shabaabku laba jiho ka soo weerareen saldhiga, ay Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin xaafadda Kurman.

Nin ka tirsan dadka deegaanka oo codsaday inaanan magaciisa loo adeegsan Warbaahinta, ayaa markacadeey.com u sheegay in dagaalka uu bilowday 10:30 habeenimo.

Ninkan, ayaa yiri “Ciidamada Al Shabaab, ayaa tobankii iyo barkii (10:00pm) soo weeraray Degmada Baardheere, gaar ahaan saldhig ay Ciidamada Dowladda Somaliya ku leeyihiin xaafadda Kurman.”

“Dagaalka wuxuu ahaa mid xoogan, wuxuuna ku soo aaday, iyadoo ay jiifaan inta badan dadka reer Baardheere. Dadkii oo dhan ayaana ku soo baraarugay dagaalka.”

“Hubkii dagaalka leesku adeegsanaayay ayaa laga wada maqlaayay xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Baardheere. Ciidamada Dowladda way ka hor taggeen in la qabsado saldhiga.”

Sarkaal ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Degmada Baardheere, ayaa markacadeey.com u sheegay in weerarka ay soo qaadeen Shabaabku uu u muuqday mid qorsheysan, balse ay ciidamadu fashiliyeen.

Maxamed Cismaan, ayaa tilmaamay in Shabaabku uu ujeedkoodu ahaa in ay la wareegaan saldhiga ku yaala xaafadda Kurman, hase ahaatee ay taasi ka dhiidhiyeen Ciidamada Dowladda.

Sarkaalkan, ayaa waxaa uu xusay in laba ka mid ah Ciidamada Dowladda ku dhaawacantay dagaalka, halka Shabaabkuna looga dilay rag badan, tiro kalana looga dhaawacay.

Weerarkan, ayaa noqonaya midkii ugu xooganaa ee Shabaabku ku soo qaadaan Baardheere, billihii ugu dambeeyay. Baardheere waa degmada ugu wayn ee Degmooyinka Gobolka Gedo.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, ayaa si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta Degmada Baardheere 22-kii bishii July ee sanadkii 2015-ka, ka dib in ka badan toddobo sano oo Shabaabku ay ka arriminayeen.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300