Published On: Fri, Jan 27th, 2017

Al-shabaab oo Dagaal ku qabsaday Degaanka Kulbiyoow

War lagu Qoray Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Dagaal Culus oo Saakay ka biloowday degaanka Kulbiyoow oo Fariisin ay ku lahaayeen Ciidamada Kenya ay la wareegeen.

Shabaab ayaa Saldhig Ciidamada kenya ku lahaayeen Kulbiyoow waxaa ay ku qaadeen Weerar ku biloowday Qaraxyo,waxaana Xigay Weerar toos ah sida ay KNN u sheegeen Goobjoogeyaal ku sugan Tuulooyin u dhaw Kulbiyoow.

Dagaal mudo qaatay ayay sheegteen Shabaab in ay Degaanka la wareegeen,waxaana ay Ciidamada Kenya uga baxeen Magaalada dhanka Gudaha Kenya.

Kenya weli kama hadlin Sheegashada Al-shabaab,waxaana aan la ogaan karin Khasaaraha kala gaaray Labada Dhinac,waxaana Go’an Isgaarsiinta Degaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300