Published On: Thu, Jan 26th, 2017

QM oo si kulul uga hadashay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

DSC03510-620x330

Qaramada Midoobey ayaa si kulul uga Hadashay Qaraxyadii shalay lagu qaaday Hoteelka Dayax oo ku yaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir , islamarkaana Qaraxyadaasi ay ku dhinteen dad isugu jira Shacab , Askar iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Qaramada Midoobey ayaa si kulul u cambaaraysay Qaraxyadaasi, waxaana  ay ugu baaqday Hay’adda Ammaanka dalka in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Sidoo kale Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ay laba jibaari doono taageerada ay siinayso ciidanka dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey oo lagu magacaabo Joseph Contreras ayaa sheegay in Qaraxyadii shalay ka dhacay Hoteel Dayax ay ahaayeen kuwo lagu qalqalgelinaayay howlaha Doorashada ee dalka Socda.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in Qaramada Midoobey ay si weyn uga walaacsan tahay Qaraxyada lagu qaadayo hoteelada Magaalada Muqdisho, waxaana uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay la timaado qorsho looga hortagaayo Qaraxyada iyo weerarada Al-Shabaab.

Hadalka kasoo baxay Qaramada Midoobey ayaa kusoo beegmaya Xilli ay shalay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Qaraxyo ay ku dhinteen dad ka badan 20 qof 50 kalena ay ku dhaawacmeen.

Waxaana Mas’uuliyadda Weerarkaasi sheegtay Xarakada Al-Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300