Published On: Thu, Jan 26th, 2017

Nabadoon Muuse Xaaji Faarax oo lagu toogtay Magaalada Boosaaso

Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa xalay toogasho ku dhaawacay Nabadoon Muuse Xaaji Faarax, oo ka tirsan Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari.

Raggan, ayaa Nabadoon Muuse Xaaji Faarax weeraray, xilli uu ku sugnaa agagaarka Masaajidka Al Rashiid ee Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Goobjooge, ayaa sheegay in raggaasi ay goobtaasi ka carareen wax yar ka dib, markii ay dhawr xabadood la dhaceen Nabadoonka. Nabadoonka ayaa lagula cararay goobaha caafimaadka.

Ciidamada ammaanka oo gaaray halkii ay toogashadu ka dhacday, ayaa waxaa ay ka sameeyeen hawlgal la xiriira raggii falkaasi gaystay.

Suxufiyiinta Magaalada Boosaaso, ayaa waxay soo sheegayan illaa iyo hadda in aysan jirin cid ay laamaha ammaanku u soo qab qabteen tallaabada lagu dhaawacay Nabadoon Muuse Xaaji Faarax.

Inkastoo aanay weli masuuliyiinta Puntland ka hadlin dhaawaca loo gaystay Nabadoon Xaaji, ayaa waxaa dhinaca kale soo baxaya warar sheegaya in dhaawaca soo gaaray Nabadoonku uu yahay mid culus.

Muddooyinkan dambe, ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ku soo badanayay weerarada lala xiriirinayo mintidiinta Ururka Al Shabaab. Shabaabka ayaa sheegtay dilal qorsheysan oo ka dhacay Xarunta Gobolka Bari.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300