Published On: Thu, Jan 26th, 2017

Muuse Suudi Yalxow “Madaxweyne qof ayaan u rabnaa

muuse suudi yalaxow

Muuse Suudi Yalxow oo ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo xalay ka qeyb galay Munaasabad casho sharaf aheyd oo xalay Maamulka Gobolka Banaadir uu u sameeyay Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole).

Inta uu khudbadiisa waday Muuse Suudi ayaa waxa uu aad uga qosliyay dadkii ka soo qeyb galay Munsaabada, maadaama uu sheegayay hadalo madadaalo ah oo u badnaa si garaacis dadban.

Waxa uu sheegay khudbada uu jeediyay C/raxmaan (Faroole) qaar ka mid ah in ay ahaayeen kaftan, halka qaar kalena oo runta in laga sheego ay u baahnaayeen, laakiin hada aan laga jawaabeyn. Ugu dambeyntii Senator Muuse Suudi Yalxow ayaa yiri hadalkan “Madaxweyne Qof unbaa noo noqon doono, Qofba Qof ayuu u rabaa, adiga oo Faroole ah dad ayaa kuu raba, anagana mid kale ayaan u rabnaa.” Waxaana aad u qoslay marti sharaftii ka soo qeyb gashay Munaasabada.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300