Published On: Thu, Jan 26th, 2017

Madaafiic khasaaro sababtay oo lala Beegsaday Deegaanka Buulomareer

DSC09723-696x522

Tiradaan Madaafiicda ah oo lagu weeraray Deegaanka Buulomareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka dambeysay kadib markii Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay  Howlgallo ay ka sameeyeen Nawaaxiga deegaankaasi Buulomareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Col Xasan Jaamici oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka howlgala Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu sheegay Ciidanka dowladda Soomaaliya ay weerareen fariisimo Dagaalyahanada Al Shabaab ay ku lahaayeen Nawaaxiga degaanka Buulomareer.

Waxaana uu hoosta ka xariiqay in Ciidamada Dowladda ay ka hortageen fariisin Cusub oo Al Shabaab ay ka sameysan rabeen Nawaaxiga deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Col Xasan Jaamici ayaa xaqiijiyay in 1 qof oo Haweeney ahayd ay ku geeriyootay Madaafiicdaasi lala beegsaday deegaanka Buulomareer halka 8 kalana ay ku dhaawacmeen.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee isku dhacyada uu ku dhexmaro Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xilliyada qaar ay kaabaan Ciidamada MISOM, waxaana isku dhacyadaasi khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaraa Shacabka deegaanadaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300