Published On: Thu, Jan 26th, 2017

Howlgal ciidan oo saaka ka socda Boosaaso


Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka bari Saaka waxaa ka socda Howlgal balaaran oo ay sameynayaan Ciidanka Gobolka bari iyo Kan Degmada Boosaaso

Howlgalka ayaa si gaar ah uga socda nawaaxiga Halkii lagu Toogtay Nabadoon Muuse Xaaji oo Ciidamada amniga ay isku dayayaan iney soo qabtaan Kooxihii ka danbeeyay Weerarka

Howlgalka ayaa Saaka saameeyay isu socodka Gaadiidka Dadweynaha iyo Goobaha Ganacsi

Ciidamada ayaa Saaka tiro dhalinyaro ah kusoo qabtay Howlgalka ay ka wadaan Magaalada Boosaaso kuwaas oo la isugu geeyay Xabsiga dhexe ee Magaalada halkaas oo lagu kala shaandheyn doono

Si Kastaba, Rag bistoolado ku hubeysnaa, ayaa xalay toogasho ku dhaawacay Nabadoon Muuse Xaaji Faarax, oo ka tirsan Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Bari.

Raggan, ayaa Nabadoon Muuse Xaaji Faarax weeraray, xilli uu ku sugnaa agagaarka Masaajidka Al Rashiid ee Bartamaha Magaalada Boosaaso.

Goobjooge, ayaa sheegay in raggaasi ay goobtaasi ka carareen wax yar ka dib, markii ay dhawr xabadood la dhaceen Nabadoonka. Nabadoonka ayaa lagula cararay goobaha caafimaadka.

Ciidamada ammaanka oo gaaray halkii ay toogashadu ka dhacday, ayaa waxaa ay ka sameeyeen hawlgal la xiriira raggii falkaasi gaystay.

Suxufiyiinta Magaalada Boosaaso, ayaa waxay soo sheegayan illaa iyo hadda in aysan jirin cid ay laamaha ammaanku u soo qab qabteen tallaabada lagu dhaawacay Nabadoon Muuse Xaaji Faarax, Marka laga reebo dadka eedeysanayaasha ah ee Saaka la soo qabtay

Inkastoo aanay weli masuuliyiinta Puntland ka hadlin dhaawaca loo gaystay Nabadoon Xaaji, ayaa waxaa dhinaca kale soo baxaya in dhaawaca soo gaaray Nabadoonku uu yahay mid culus.

Muddooyinkan dambe, ayaa waxaa Magaalada Boosaaso ku soo badanayay weerarada lala xiriirinayo Xarakada  Al Shabaab iyadoo dhowr weerar oo ka dhacay Magaalada ay Masuuliyadeeda sheegatay Shabaab.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300