Published On: Thu, Jan 26th, 2017

Dowladda oo canshuur kordhin ku sameyneysa badeecadaha ka soo dega Dekadda iyo Garoonka Muqdisho

Ra’isalwasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomalaiya oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho,ayaa sheegay in marka laga reebo raashinka Badeecadaha ka soo dega Garoonka Diyaaradaha iyo Dekadda Muqdisho lagu kordhinayo Canshuurta laga qaado.

Waxaa uu sheegay in looga gol leeyahaya wax ka qabashada abaaraha ka jira Dalka,waxaana uu intaas ku daray in Xafiisyada Ra’isalwasaaraha,Madaxweynaha iyo Guddoonka golaha shacabka ay weydiisteen lacago lagu taakuleeyo dadka ay aabaraha saameeyeen.

Sidoo kale shaqaalaha Dowladda iyo Ganacsatada ayuu sheegay in laga qaadayo lacago lagu taageero dadka ay abaaraha ku saameeyeen Soomaaliya.

Maxamed Cumar Carte oo ah Guddoomiyaha Guddiga abaaraha ee heerQaran,ayaa intaas shaaciyay in lacagahaas marka la isku dar daro ay gaarayaan $5Milyan oo dollar,laguna taageero abaaraha.

Qaabka Gargaarkaasi loogu qeybinayo gobollada ay abaarta ku dhufatay ayauu sheegay in ay ka shaqeynayaan Guddi gaar ah oo ay u xil saareen in ay ka shaqeeyaan qiimeynta meelaha ugu daran ee ay abaartu ka jirto.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300