Published On: Wed, Jan 25th, 2017

Wariyayaal ku dhaawacmay Qaraxa 2aad ee Hotel Dayax

two-620x330

Qaraxa labaad ee ka dhacay Hotelka Dayax ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro wariyayaal ah,waxaa ay halkaas u tageen in ay soo tebiyaan weerarka ka socday Hotelka.

Ka hor inta uusan Qarxin Gaariga 2aad ee ay ku dhaawacmeen Wariyayaasha ayaa waxaa Ciidanka Goobta Suxufiyiinta ku amreen in ay ka tagaan maaddaama gaariga ay ka shakiyeen.

Qaar ka mid ah Wariyayaasha ayaa isaga tagay goobta uu yaallay Gaariga Noah-da ahaa ee qaraxa labaad saarnaa,waxaana ku dhaawacmay Wariyayaal gaaraya lix.

Gaariga NOAH-da ee Qarax 2aad ka dhashay.

Magacyada wariyayaasha ah ku dhaawacmay qaraxa labaad ayaa kala ah;Faarax Cabdi Warsame AP,C/Qaadir Gacal oo ka tirsan  Horn Caple TV,,Akiila oo Al Carabiya u shaqeeya,Cabdullahi oo ka tirsan Wakaalladda Wararka Anadolu Turkiga iyo 2  Wariye kale oo magacyadooda lagu kala sheegay ,Suruurow iyo Jabuuti.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300