Published On: Wed, Jan 25th, 2017

War Deg Deg ah:- Dagaalkii ka socday Gudaha Hotelka Dayax oo la soo Afjaray

DSC03510-620x330

Laamaha Ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in la soo Afjaray Howlgalkii ka socday Gudaha Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho oo Saaka ay Weerar ku qaadeen Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay in Toogasho lagu dilay Raggii ka tirsanaa Shabaab ee ka dhex dagaalamayay Gudaha Hotelka Dayax oo ah Hotel ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama.

Wasiirka Amniga Xukumadda Soomaaliya iyo Taliyaasha Ciidamada oo gaaray Hotelka ayaa lagu wadaa in ay Faah-faahin ka bixiyaan Weerarka iyo Khasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Dadka ku dhintay Weerarka isugu jira Kharaxyada iyo midka tooska ah ay 20 ku dhaw yihiin,inkastoo aan weli Tiro koob sax ah la sheegin.

Wariyaal ku sugan Hotelka Weerarka lagu qaaday ayaa sheegay in ay Arkeen Meydadka in kabadan 10 oo Carruur ay ku jiraan oo yaalla Agagaarka Hotelka.

Sidoo kale waxaa jira Dad weli ku hoos jira Burburka Goobo u dhaw Hotelka oo Qaraxii Hore oo aad u Xooganaa ku Burburay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300