Published On: Wed, Jan 25th, 2017

Theresa May oo madaxweyne Erdogan kula kulmeysa Turkiga


Ra’iisul wasaaraha dalka Britain, Theresa May ayaa Sabtida booqan doonta dalka Turkiga.

Waxay halkaas wadahadal kula yeelan doontaa madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskeeda.

Labada masuul ayaa la filayaa inay ha wadahadlaan ganacsiga, difaaca iyo amniga.

Mrs May ayaa loo maleynayaa inay Ankara u duuli doonto ka dib safarkeeda Mareykanka, halkaas oo ay ku arki doonto madaxweyne Trump, maalinta Jimcaha.

May: Ka bixitaanka EU waxaan bilaabi doonnaa March 2017

UK: Boqolaal ciidammo dheeraad ah ayaan u direynaa Soomaaliya

Erdogan oo u digay NATO

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee Theresa May ay booqato Turkiga tan iyo markii ay ra’iisl wasaaraha noqotay.

Sidoo kale, waxay noqon doontaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu fashilmay afgembigii dhicisoobay ee 2016-kii ka dhacay Turkiga.

‘Saaxiib aan laga maarmi karin’

Afhayeen u hadlay xafiiska Mrs May ayaa la weydiiyay inay u eexdeen madaxweyne Erdogan iyo Ra’iisul wasaare Binali Yildirim, wuxuu ku jawaabay: “Waan cadeynay taageerada aan u hayno dimuquraadiyadda iyo hay’adaha Turkiga tan iyo afgembigii fashilmay xagaagii hore.”

“Ra’iisul wasaaraha waxay fursadan uga faa’ideysaneysaa inay ku celiso taageerada aan arrintaas u hayno, waana cadeyneynaa in jawaabta turkiga uu arrintaas ka bixiyay inay u qalanto, dabcan waan sii wadeynaa inaan arrintaas ka hadlno.”

Britain oo doonaysa inay bilawdo ‘bog cusub’ xiriirka dalalka Khaliijka

Turkiga oo rasmiyan codsaday in la soo qabto Gulen

“Booqashadan xaqiiqdii waxay muujineysaa in Turkiga uu yahay saaxiib aanan laga maarmin, iyo inuu UK xulafo dhow kala yahay arrimo muhiim ah sida ganacsiga, amniga iyo difaaca”, ayuu yiri afhayeenka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300