Published On: Wed, Jan 25th, 2017

Qarax kale oo ka dhacay Hotelka Dayax ee Weerarka lagu qaaday

Qarax kale ayaa ka dhacay Hotelka Dayax ee Saaka Weerarka Ismiidaaminta ah iyo midka Tooska ah lagu qaaday.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari ay ka dageen Dagaalameyaal ka tirsan Shabaab oo galay Gudaha Hotelka Dayax ee Magaalada Muqdisho.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in Shan ka tirsan Al-shabaab oo Hubeysan ay Gudaha u galeen Hotelka oo ay ka dhex dagaalamayaan.

Sidoo kale Waxaa la sheegay in mid kamid ah Dagaalameyaasha galay Hotelka Dayax Toogasho lagu dilay.

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa ku sugan Hareeraha Hotelka,waxaana la maqlayaa Rasaas ay is dhaafsanayaan Ciidamada iyo Shabaabka ku jira Gudaha Hotelka.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300