Published On: Wed, Jan 25th, 2017

Dhisme ku yaalla isgoyska dabka oo uu dab qabsaday

dabka-620x330

Intii ay socotay Rasaasta iyo Qaraxyada ka dhacayay Hotelka Dayax,ayaa waxaa uu dab qabsaday Carwo ka agdhow Hotelka uu weerarka ka socday,waxaana mar xaafadda Waabari ay dadka billaabeen in ay kala cararaan.

Dabka ayaa aad cirka isugu shareeray,waxaana ugu dambeyntii damintiisa ku guuleystay Damb damiska dowladda hoose oo goobta gaaray.

Carwada uu dabka qabsaday ee gubatay ayaa lagu magacaabaa Carwo Sabriye,waxaana ay ku baaba’day dhismaha uu dabka qabsaday.

Sidoo kale agagaarka Hotelka ayaa waxaa ku dumay Guryo badan iyada oo ay dhaawacyo iyo dhimasho badan ka dhalatay weerarka maanta lagu qaaday Hotelka Dayax.

Intasta oo qaraxyada iyo Rasaasta ay hadda joogsatay waxaa wali kacsan xaaladda goobtii uu weerarka ka dhacay halkaas oo la sheegay in ay galeen 5 Nin oo Hubeysan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300