Published On: Wed, Jan 25th, 2017

Al-shabaab oo dib ula Wareegay Degmada Badhaadhe

Wararka aan ka heleyno Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ay iskaga baxeen Magaalada islamarkaana ay Magaalada la wareegeen Al-shabaab.

Dadka Degaanka ayaa Xaqiijiyay in Ciidamada Kenya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ay Guud ahaanba Faarujiyeen Degmada Badhaadhe oo Shalay soo galay Gacanta Ciidanka Kenya iyo kuwa Soomaalida.

Sidoo kale inta u dhexeysa Degaanka Kulbiyoow iyo Badhaadhe ayaa waxaa ka dhacay Dagaal Culus kadib markii wadada loo galay Ciidamada is garabsanaya oo ka soo baxay Degmada Badhaadhe.

Al-shabaab ayaa hadda ku sugan Magaalada,waxaana sidoo kale ka Barakacay Dadkii Shacabka ahaa ee ku noolaa degmada.

Degmada Badhaadhe oo ka taalla Xadka Gobolka Jubbada Hoose uu la wadaago Kenya ayaa ah Magaalo Istaraatiiji ah.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300