Published On: Tue, Jan 24th, 2017

Xaaladda Degmada Afgooye oo Shalay lagu Dagaalamay oo Saaka Degen

AFGHOOYE-620x330

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Sababay oo Xalay Fiidkii soo gaaray,kaas oo dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalameyaasha Xarakadda Al-shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii Shabaab ay Degmada ka soo Weerareen illaa Labo Jiho oo kala ah Koofurta iyo Galbeedka Magaalada Afgooye.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lahadlay Warbaahinta Kulmiye ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed ay iska Difaaceen Dagaalka ay Magaalada ku soo qaadeen Shabaab.

Dagaalkii ka dhacay Degmada Afgooye ayaa naloo Xaqiijiyay in ay ku dhinteen illaa 8 Ruux oo isugu jira Ciidamada Dowladda,Shabaab iyo Dad Shacab ah.

Dadka dhintay ayaa la sheegay in ay kamid tahay Haweeney Ganacsato ah oo Caan ka ah Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ugu dambeeya ee Saaka laga helayo Degmada Afgooye ayaa sheegaya in Xaaladda Magaalada ay degen tahay islamarkaana Ciidamada Dowladda ay wadaan Baaritaano.

Saraakiisha Sar Sare ee Ciidamada Dowladda,Maamulka Koofur Galbeed iyo Al-shabaab midna kama bixin Faah-faahin dheeraad ah Dagaalka ka dhacay Degmada Afgooye.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300