Published On: Tue, Jan 24th, 2017

Qarax Dhimasho Sababay oo Saaka ka dhacay Degmada Afgooye

Qarax Miino oo lagu Aasay Goob ay Ciidamadu Fariistaan oo ku taalla Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Saaka ka dhacay Isla Degmada waxaana halkaas ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjoogeyaal ku sugan Afgooye ayaa sheegay in Miinada ay Xalay Shabaab ku Aaseen Goobta oo aheyd meel ay Fariistaan Ciidamada Dowladda.

Ugu yaraan Shan Askari ayaa la sheegay in ay ku dhinteen Qaraxa Miino ee ka dhacay Afgooye,waxaana ku dhaawacmay illaa 3 kale.

Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Ciidamada Ee ku sugan Afgooye weli kama hadlin Qaraxa Khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Degmada Afgooye.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300