Published On: Tue, Jan 24th, 2017

Maamulka Sh.hoose: “weerarrada Al-shabaab ee ku badan Afgooye,biyo la’aanta ayaa u sabab ah

Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxaa uu ka warbixiyay weerarrada ku badan Degmada Afgooye ee ay fuliyaan Al-shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha hoose Cumar Maxamuud Cilmi ayaa u sheegay Mustaqbal Radio,in sababta ay Al-shabaab ugu cel celinayaan weerarrada Afgooye ay sabab u tahay biyo la’aanta ka jirta Gobolka kaddib markii uu Wabiga Shabeelle guray.

Waxaa uu sheegay in Bishan gudaheed ay markii labaad weerar ku qaadeen Afgooye iyada oo ay ka dhalatay khasaare naf iyo maalba leh.

Weerarkii shalay gelinkii dambe ka dhacay Afgooye ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 10 Qof oo isugu jiray dhinacyada dagaallamay iyo Dad rayid ah.

Guddoomiye ku xigeen Cilmi ayaa sheegay in hadda aag cusub oo dagaal uu ku furmay maaddaama markii hore Wabiga biyo lahaa ayna adkeyd in la soo dhexmaro haddase ay fududaatay.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300