Published On: Tue, Jan 24th, 2017

Hooyo ku dhimatay weerarkii Shabaabku ku qaadeen Degmada Afgooye

hooyo

Faah faahin dheeri ah, ayaa ka soo baxeysa khasaaraha dadka rayidka ahi ka soo gaaray weerarkii xooganaa, ee gelinkii dambe ee shalay Shabaabku ku qaadeen Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Rasaastii dagaalka leesku adeegsanaayay, ayaa iyadoo habow ah gaareysay goobo ka baxsan goobihii uu dagaalku ka socday, iyadoona shan qof oo rayid ah ay rasaastaasi ku waxyeeleysay Degmadaasi.

Hooyo Xabiiba Cali oo ka mid ahayd ganacsatadii khudaarta ee Degmada Afgooye, ayaa waxaa la xaqiijiyay in rasaas habow ku dishay beertii ay ku laheyd Degmadaasi, halka afar kale oo rayid ahna ay ku dhaawacantay.

Afarta qof ee dhaawaca ah oo loo qaaday goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho, ayaa dhammaantood waxaa ay yihiin rag, waxaana ku jira wiil yar oo rasaastu ay ka haleeshay caloosha.

C/laahi Xasan Cabdi (Toogane), Gudoomiye Ku Xigeenka Arrimaha Bulshada ee Degmada Afgooye, ayaa xaqiijiyay in dib ay ka ogaadeen dhimashada hooyadaasi iyo dhaawaca afarta qof ee kale.

Gudoomiye Ku Xigeenka, ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay in ay ugu talla-galeen dhibaateenta rayidka. Mar uu ka hadlaayay khasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray Ciidamada Dowladda, ayuu tilmaamay in hal askari oo keliya uu dhaawac fudud ka soo gaaray.

Toogane, ayaa xusay in dadka deegaanka ay u soo sheegeen in ay arkayn Shabaabkii weerarka soo qaaday, oo dib u qaatay rag badan oo dagaalka looga dhaawacay.

Shabaabka, ayaa waxaa mooddaa in ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Degmada Afgooye, oo 30km dhinaca koonfureed kaga beegan Magaalada Muqdisho.

Tan iyo 18-kii bishii October, ayay Shabaabku afar weerar ku soo qaadeen Degmada Afgooye, iyadoo mid ka mid ihi uu dhacay xilli habeen ah, halka inta kalana ay soo qaadeen galab gaabad.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300