Published On: Tue, Jan 24th, 2017

Ciidanka Jubaland oo Kismaayo ku qabatay Markab Hub wada

hub-620x330

Maamulka Jubaland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Markab Ganacsi oo uu saaranyahay hub,kaas oo Axaddii gelinka dambe ku xirtay Magaalada Kismaayo ee Jubbada hoose.

Saraakiil u hadashay Maamulka Jubaland ayaa sheegay in Markabka oo ku rarnaa Bagaash lagu soo dhex qariyay hubka,sidaasna lagu ogaaday.

Shaqaalaha dejinayay markabka ayaa u sheegay Saraakiisha amniga Jubbaland in Markabka uu saaranyahay hub,sidaasna ay ku qabteen Hubkaas.

Markabka ayaa u rarnaa Ganacsade caan ka ah magaalada Kismaayo oo magaciisa lagu sheegay Cabdi Jamaal kana soo jeedo Puntland.

Markabka waxaa saranaa Raashin,sida Bariis,Bur,Sokor iyo Badeecado kale,waxaana lagu dhex qariyay hubkja faraha badan,iyada oo ciidanka Jubaland ay dejiyeen hubka haddana lagu hayo Kismaayo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300