Published On: Tue, Jan 24th, 2017

Ciidamada Yemen oo la wareegay gacan ku haynta Magaalada Mokha

Mokha6-

Ciidamada Dowladda Yemen, ayaa Isniintii si buuxdo ula wareegay gacan ku haynta magaalada dekeda leh ee Mokha, ka dib dagaalo dhawr toddobaad socday, oo ay kula jireen Maleeshiyada Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta.

Xoogaga Xuuthiyiinta, ayaa isaga baxay Magaalada Mokha, iyagoo culeys xoogani kala kulmaayay Ciidamada Dowladda Yemen, oo dhinaca cirka ay ka taageerayan isbahaysiga uu Sacuudigu hogaamiyo.

Xuuthiyiinta, ayaa qabsaday Magaalada Mokha sanadkii 2014-ka. Magaalo xeebeedka Mokha, ayaa waxay dhacdaa Badda Cas, iyadoona dhinaca Koonfur Galbeed kaga beegan Caasimadda Yemen ee Sanca.

Saraakiisha caafimaadka ee ka hawlgala Magaalada Mokha, ayaa waxay xaqiijiyeen in 70 qof ku dhimatay dagaaladii ugu dambeeyay, ee dhex maray Ciidamada Yemen iyo Xuuthiyiinta.

Mokha waxaa ay ahayd marinkii ugu weynaa ee hubka qarsoodiga looga soo dusin jiray Jabhadda Xuuthiyiinta, oo taageerada ugu ballaaran ka hesha Dowladda Iran.

Xuuthiyiinta Yemen, ayaa dagaal adag kala kulmaaya Ciidamada Yemen iyo isbahaysiga Carabta, tan iyo markii ay ka horyimaadeen jiritaanka dowladda uu madaxweynaha ka yahay Abdrabbuh Mansur Hadi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300