Published On: Mon, Jan 23rd, 2017

Uganda oo ka hadashay Askarigii ay Al-shabaab Toogteen

sodier_military_combat_field_dress_uniforms_pattern_Uganda_Ugandan_army_007-620x330

Iyadoo dhawaan Al-shabaab ay soo bandhigeen Sawiro ay ku sheegeen in ay Dileen Askari Uganda u dhashay oo Maxaabiis ahaan ay u haysteen Shabaab ayaa waxaa ka hadlay Markii ugu horeysay Dilka Askarigaas Taliska Guud ee Ciidamada Ugada.

Afhayeenka Ciidamada Uganda Paddy Ankunda  ayaa u sheegay Wareyska Daily Monitor in ay Askariga Aqoonsadeen oo lagu Magacaabo Masassa islamarkaana ayku waayeen Dagaalkii ka dhacay Degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Afhayeenka Ciidamada Uganda Paddy Ankunda ayaa sheegay in ay qaadi doonaan Talaabo loogu aargudayo Askarigooda,waxaana uu xusay in Shabaab ay tusi doonaan Awooda Ciidankooda Uganda ay leeyihiin.

Shabaab ayaa la sheegaa in ay Gacanta ku hayaan Ciidamo kale oo ka tirsan Howlgalka AMISOM,kuwaas oo ay ku qabteen Qeybo ka mid ah Koofurta Soomaaliya

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300