Published On: Mon, Jan 23rd, 2017

Shan Askari oo Masaari ah oo lagu dilay weerar ka dhacay dalkaasi

Waxaa la dilay Shan Askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka wadanka Masar  kuwaas oo kooxo hubeysan ay rasaaseeyeen, waxayna ku sugnaayeen ciidamadaan Gobolka Sinai sida ay sheegayaan ilo dhanka ammanka iyo caafimaadka ah.

Ilo wareedyo ku sugan waqooyiga magaalada Sinai ayaa waxa ay sheegayaan  in kooxo hubaysan  ay istaajiyeen baabuur dad shacab  ah ay saarnaayeen baabuurka ayaa waxaa la saarnaa shan ka tirsan ciidamada ammaanka Masar waxayna ku amreen inay ka soo dagaan baabuurka ,ka dibna waa ay dileen dhamaantood.

Kooxihii weerarka geystay goobta waa ay iskaga baxsadeen ciidamada la dilay ayaa waxay ahaayeen kuwo la soo fasaxay waxayna ku sii jiideen si ay fasaxooda usoo  qaataan.

Meydadka shanta askari ee dilka loo geystay ayaa waxaa loo qaaday Isbitaal ku yaallo xaafadda Suways ee dalka Masar.

Dhacdadaan wali cidana masheegay mas’uuliyaddeeda  kooxo hubaysan  oo raacsan ururka Daacish oo ku sugan Masar ayaa waxay ka fuliyaan  weeraro iyo qaraxyo mararka qaar taasoo keenta  dhimashada tobaneeyo ka tirsan ciidamada ammanka wadanka Masar.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300