Published On: Mon, Jan 23rd, 2017

Odawaa oo ku fashilmay kala fur furida Xildhibaanadii xilka ka qaaday C/kariin Guuleed

timthumb

C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa ku fashilmay kala fur furida Xildhibaanadii xilka ka qaaday C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Odawaa oo muddooyinkii dambe ku sugnaa Magaalada Cadaado, ayaa isaga iyo Xildhibaano kale oo deegaanka ah waxa ay isku dayayeen inay kala fur furaan Xildhibaanada iyaga oo adeegsanaya dhaqaale iyo balan qaadyo ku aadan xilal Siyaasadeed.

Kulan shalay ka dhacay Magaalada Cadaado oo C/raxmaa Odawaa uu la qaatay qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, ayaa wuxuu kala kulmay waji gabax, kadib markii Xildhibaanada ay diideen inay ka tanaasulaan go’aankii ay xilka uga qaadeen C/kariin.

Odawaa oo saaxiibo dhaw ay yihiin C/kariin Xuseen Guuleed ayaa doonaya in saaxiibkiis aanan laga saarin saaxada Siyaasada Somaliya, inkastoo C/kariin uu si cad ugu fashilmay hogaaminta Maamulka Goboledka Somaliyed ee Galmudug.

Xildhibaan Maxamed Xasan Geelle oo ka mid ah Xubnaha xilka ka qaaday C/kariin Guuleed ayaa sheegay in Odawaa uu doonaayo inuu laaluusho Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug, balse arintaasi ay u socon weyday.

Sidoo kale Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey, ayaa dhinaciisa isku dayaya Xildhibaanada ay isku haybta yihiin ee ku jira kuwii xilka ka qaaday Guuleed inuu laaluusho.

Carabey ayaa kulan qado ah ugu yeeray Xildhibaanada Beeshiisa ee C/kariin ka soo horjeeda wuxuuna u sheegay inay ka noqdaan aragtida ay xilka uga qaadeen Guuleed, balse arintaasi waa ay ka soo horjeesteen Xildhibaanada.

Sida muuqata Xildhibaanada Galmudug oo ka duulaya shaqo xumida Guuleed, waxa ay ku adkeysteen go’aankii ay xilka uga tuureen, kaasi oo waafaqsan Dastuurka Maamulka Galmudug.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ku fashilmay Maamulka Galmudug, wuxuuna shaqadiisa ka dhigtay inuu u olaleeyo Musharax Xasan Sheekh Maxamuud.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300