Published On: Mon, Jan 23rd, 2017

Beesha caalamka oo Xildhibaanada uga digtay qaadashada laaluush

beesha calamka

War kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa si deg deg loogu baaqay Xildhibaanada  Golaha Shacabka iyo sidoo kale Xildhibaanada Aqalka Sare in ay si deg deg ay u dhisaan guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doona doorashada Madaxweynaha Somaliya.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay u taallo Xildhibaanada cusub shaqo culus oo loo baahan yahay in ay u wajahaan si deg deg ah.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in doorashada Madaxweynaha Somaliya loo baahan yahay in ay ku dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan maadaama lagu guuleystay doorashada gudoonka Baarlamaanka Aqalka Sare.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale Xildhibaanada cusub ugu baaqay in ay ka fogaadaan in lacag ay ka qaataan musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Somaliya.

”Xidhibaanada cusub ee Baarlamaanka Somaliya waxaa laga doonaaya in ay doortaan hoggaan aysan sumcadooda  ku xumeyn oo aysan ka qaadan kharashaad, waxaana Xildhibaanada  ka codsanaynaa in ay doortaan hoggaan ay ku qanci karaan bulshada Somaliyed iyo sidoo kale Beesha Caalamka.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Beesha Caalamka.

“Somaliya waxaa soo food saartay caqabado badan oo ay ka mid yihiin abaaraha, shaqo la’aan iyo amni-darro, baarlamaanka  waxa ay fursad u leeyihiin inay doortaan  hoggaan kaasi wax ka qaban kara  baahida aasaasiga ah muwaadiniinta. ” ayuu yiri Michael Keating, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300