Published On: Sun, Jan 22nd, 2017

Yaxya Jammeh oo isaga tegay dalka Gambia

_93735187_91db9198-c966-4a6d-ae4c-5431fd0ce626

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia Yaxya Jammeh ayaa isaga tegay dalkiisa kaddib markii uu aqbalay in uu xilka ku wareejiyo Madaxweynaha cusub Adama Barrow , oo isagu kaga guuleeystay doorashadii bishii December .

Sida laga soo xigtay masuuliyiinta ECOWAS , Mr Jammeh waxaa uu ka degay dalka Guinea , isagoo na uga sii gudbi doona dalka Equatorial Guinea.

Yaxya Jammeh ayaa horay u diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii dalkaasi ka dhacday bishii Diseembar ee aynu ka soo gudubnay.

Talabadan ayaa timid iyadoo dhexdhexaadiyaal ka socda Galbeedka Qaarada Afrika ay sacadihii la soo dhaafay la kulmayeen Yaxye Jammeh.

Dhexdhexaadiyayaasha ayaa Jammeh ku qanciyay inuu xilka banneeyo, inkastoo uusan wax fahfaahin ah ka bixinin heshiiska la gaaray.

Ciidammada wadammada Galbeedka Afrika ayaa hakiyay qorshohoodii milateri ee ay doonayeen inay ku farageliyaan dalkaasi.

Ciidamadaasi ayaa Khamiistii ka talaabay xuduudda Gambia, saacado yar un kaddib markii la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow , Waxaana Adama Barrow lagu dhaariyey gudaha safaaradda Gambia ay ku leedahay dalka Senegal.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300