Published On: Sun, Jan 22nd, 2017

Sidee u dhaceysaa doorashada aqalka sare

doorasho-1-300x225

Xarunta sida Kmg ah ay ugu shiraan mudanayaasha golaha shacabka ayaa maata waxaa lagu dooranayaa ilaa sadax mudane oo doonayo in ay qabtaan xilalka gudoomiyaha aqalka sare iyo ku ku xikeenadiisa.

Xildhibaan Cabdi Xaashi C/llaahi iyo Xildhibaan  Mutafa Mxamuud Qodax oo ah mudanayaal Aqalka sare ka soo galay Gobolada waqooyi ayaa u taagan xilka gudoomiyaha Golaha Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

14 mudane oo kale ayaa u tartamaya kuraatsa Gudoomiye ku xikeenka 1aad iyo 2aad waxaana tiradaas ku jira sadax haween ah oo musharaxiinta ka mid ah.

Hadaba qaabkee ayeey u dhaceysaa doorashada Gudoonka Aqalka Sare waxaa ka hadalaya Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabada Doorashada Gudoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Kaddib doorashada Guddoonka aqalka sare waxaa labada aqal looga fadhiyaa in ay diyaariyaan Guddiga doorashada Madaxweynaha Somaliya,sidoo kalena ay waqti u qabtaan xilliga doorashada ay dhaceyso.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300