Published On: Sun, Jan 22nd, 2017

Shabaab oo sheegtay dilka Taliye Khaliif

al shabaab

Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada dilka Taliyihii Ciidanka Booliska ee Gobolka Shabellaha Dhexe Khaliif Cabdulle Carfaaye, kadib bambo gacmeed xalay lagu weeraray hoygii uu ka deganaa Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe ee Magaalada Jowhar.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegeen xoogag iyaga ka tirsan oo hubeysan in ay Bambo gacmeed ku weerareen Guriga Taliye Khaliif.

Sidoo kale Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in ay in badan doon doonayeen, kuna raad joogeen Khaliif Cabdulle Carfaaye oo ahaa Taliyihii Ciidanka Booliska ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha, ayaa xilligii bambada lagu weeraraaayay ku sugnaa barxadda hoygiisa, waxaana sidoo kale Taliyaha la geeryoodey mid ka mid Askarta Ciidanka, oo lagu sheegay in uu ka mid ahaa ilaaladiisa.

Tiro ka mid ah ilaaladii Taliyaha, ayaa sidoo kale ku dhaawacantay qaraxaasi, kuwaa oo loo qaaday goobaha caafimaadka ee ku yaala Magaaladaasi Jowhar.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300