Published On: Sun, Jan 22nd, 2017

Ina Muudey: Qabyo ninkeedaa dhameystira mise qabyo ninkeedaa u qowlan

ina muudey

Xasan C/qaadir Muudey oo ah shakhsi ay isu xisbi yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu ka horyimid ereyga uu ku ololeynayo Madaxweynaha Somaliya, ee ah (Qabyo ninkeedaa dhameystira).

Xasan C/qaadir Muudey, ayaa sheegay in qaynuunka dowliga ee dalka uu qabyo yahay, isagoo su’aal ka keenay in Madaxweynaha Somaliya keligii uu xaq u leeyahay dhameystirka qabyadaasi iyo in kale.

“Maadaama qaynuunka dowliga uu qabyo yahay, ma shakhsi ayaa qaynuunkii umadda ku dhaqmi laheyd oo dhan, keligii dhameystira kara? miyeysan xaq umadda Somaliyeed u lahayn in ay qabyadaas wada dhameystirto?” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

Wuxuu kaloo yiri “Yaa xaq u siiyay Madaxweynaha keligii in uu dhameystiro qabyada? Waa khalad in keligii uu sheegto in qabyada qaynuuunka dowliga ah uu mar walba dhameystirayo keligii.”

Xasan C/qaadir Muudey, ayaa sheegay in uu isagu u arko qabyo ninkeedaa u qowlan, balse aan la dhihi karin qabyo ninkeedaa dhameystira.

“Ka shakhsi ahaan waxaan u arkaa qabyo ninkeedaa u qowlan, ee maaha qabyo ninkeedaa dhameystira. Waxaa ii muuqata Xasan Sheekh inaysan waxba ka qabyeysanayn, balse ay wax ka qabyeysan yihiin sharuucda dowliga.” Ayuu yiri Xasan C/qaadir Muudey.

Waxaa uu intaa ku daray “Qaranimadeenu waa muqaddas, waana wax u baahan in aan nafteena ku dhiira-gelino ereyga qabyo iyo sidaan ku dhameystiri lahayn, ee yaan na lagu kala qaybin.”

Ina Muudey oo ka tirsan Xisbiga PDP ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu hogaamiyo, ayaa waxaa laga dhadhansan karaa saluug badani, oo uu ka keenay qabyo ninkeedaa dhameystira.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300