Published On: Sun, Jan 22nd, 2017

Dableey Gaari Rakaab ay saarnaayeen ka Afduubtay Duleedka Degmada Afgooye

zzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzzz-696x552

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeelaha Hoose ayaaa ku soo warramaya in Kooxo Dableey Hubeysan ah Gaari Rakaab ah oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho kuna sii jeeday Magaalada Kismaayo ay ka afduubteen duleedka Degmada Afgooye.

Dableydaasi ayaa la sheegay in Jir dil xoogan ay kula kaceen Rakaabka la socday Gaarigaasi ay Afduubteen.

Waxana Gaarigaasi ay ka qafaasheen deegaanka Cumar Beere ee duleedka  Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale Rakaabka ayaa la sheegay in Lacago ay sahay ahaan u siteen  ay ka qaateen Dableydaasi Hubeysan.

Maaha markii ugu horreysay oo Gaari Rakaab ay la socdeen ay Kooxo Burcad ah wadada u galaan islamarkaana Rakaabka la socda ay dhibaatooyin kala duwan kula dhaqaaqaan.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300