Published On: Sun, Jan 22nd, 2017

Dab kale oo xalay baabi’iyay qeyb ka mid ah Suuq Boocle

Dab-620x330

Dab xoog leh ayaa xalay Sagaalkii Habeennimo ka kacay Suuqa Boocle ee ku yaalla Degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir.

Dabka ayaa sida ay sheegayaan wararku waxaa uu ka kacay Koronto waxaana uu baabi’iyay qeyb badan oo ka mid ah bartama suuqa.

Qeybaha uu dabka saameeyay waxaa ka mid ah qeybta Bacadlaha dharka,qeybta Kawaannada Hilibka,Makiinadaha Cajiinka iyo Saliidda iyo qeybo kale.

Xaafadaha ku teedsan suuqa aya alagu arkayaa Ganacsato Habeennimo ka soo daadgureystay wixii ay ka gaaraan,kuna daadiyay Jidadka qaar ee guryahooda hortooda ah.

Gaadiidka Dab damiska Dowladda hoose ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka inkasta oo uu khasaare badan geystay.

Dadba ayaa la tagay 100M isku wareeg ah,waxaana uu ka dhigay meel barxad oo kale ah,inta badan qeybaha gubtay ayaa u badnaa Jiinkad iyo Alwaax.

Sidoo kale Dab shalay ka kacay Suuqa Bakaaraha ayaa isna saameyn taban ku yeeshay ganacsato badan kaddib markii ay ku waayeen hantidii ay ka ganacsanayeen,kaas oo isna ka dhashay Koronto.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300