Published On: Sat, Jan 21st, 2017

Heshiis la dhex dhigay xoolo dhaqato

beeleed-100x75

Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay heshiis rasmi ah dhex dhigeen xoolo dhaqato ku dagaalantay Duleedka Degmada Jowhar.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka, kan Degmada iyo saraakiil ciidan ayaa waxa ay gaareen Degaanka Birimo oo maalmo ka hor ay isku rasaaseeyeen dadka xoolo dhaqatad ah ee halkaasi ku nool.

Maamulka Gobolka ayaa soo afjaray colaadii u dhaxeysay labada dhinac, waxaana lagu balamay in mardambe Degaankaasi uusan ka dhicin Dagaal kale.

Qaar ka mid ah waxgaradka labada dhinac oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay ku wada heshiiyeen in ay ku wada noolaadaan nabad, dib dambana aysan u imaan colaad iyo Dagaal.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo isna dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ugu baaqay dadka xoolo dhaqatada ah in ay ka wada shaqeeyaan nabada, maadaama hada lagu guda jiro xilli Abaareed.

Dhowaan Degaanka Birimo ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa ku dagaalamay Dad xoolo dhaqato ah oo halkaasi wada dega, kuwaas oo isku heystay dhul daaqsimeed iyo ceel biyoodyo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300