Published On: Sat, Jan 21st, 2017

Ciidamada Burundi oo si deg deg ah Mushaaraadkooda loo siinayo

68FEB144-9BDF-44F7-BF28-164B15550367_cx0_cy7_cw0_w987_r1_s_r1-696x392

Ururka Midowga Afrika ayaa balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan mushaarkooda loo siin doono Ciidamada Dowladda Burundi ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee ka socda Dalka Soomaaliya.

Madaxa Nabada iyo Amniga ee Ururka Midowga Afrika, Smail Chergui oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Bujumbura ayaa waxuu shaaca ka qaaday in mas’uuliyad ay ka saaran tahay bixinta mushaaraadka Ciidamada Burundi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa mas’uulkan waxuu carabka ku adkeeyay in heshiiskii ka dhacay Magaalada Bujumbura ay ku wada qanceen Ururada Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Madaxda Dowladda Burundi.

Ururkan ayaa balan qaaday in Ciidamada Burundi ay heli doonaan mushaaraadkooda oo ka maqnaa muddo hal sano ka badan.

Sikastaba, Dowladda Burundi ayaa lagu qanciyay in Ciidamadeeda aysan kala bixin Soomaaliya, islamarkaana la xalinayo wax waliba oo ay ka tabanayaaan howlgalka AMISOM.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300