Published On: Sat, Jan 21st, 2017

Cali Gaab: “Dowladda waa in ay garab istaagtaa milkiilayaasha Hotelada

cali-gaab-620x330

Taliyahii hore ee ciidanka Booliska qaybta Gobolka Banaadir Cali Xersi Barre (Cali Gaab) ayaa sheegay in ciidanka Booliska iyo guud ahaan laamaha amniga ee dowladda Federaalka Somaliya ay kaalin xooggan ka qaadan doonaan sidii ay u sugi lahaayeen amniga Hoteellada Muqdisho.

Taliyaha ayaa sheegay in dowladda Somaliya laga doonayo inay kaalin ka qaadato sidii loo garab istaagi lahaa Hoteelada, gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya weeraradii Al-Shabaab ay ku qaadeen.

“Waxaan ballanqaadeynaa in aan la dadaalayno aniga oo ku hadlaya magaca ciidanka Booliska Somaliyed haka baaqsanina, hana shakina, ninkii tiisa gasho ayaa dhimanaya, hadana waxaan idiin sheegaynaa inaan idiin garab taagannahay oo amnigiina inaan sugno kaalin ka qaadaneyno.” Ayuu yiri  Cali Gaab.

Jeneraal Cali Gaab ayaa hadalkaan ka sheegay mar uu xalay ka qeybgalaayey dib u furista mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho ee ku bur buray weeraradii Al-shabaab kuq aadeen.

Al-shabaab ayaa marar badan weeraro ku qaadey hoteello ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana hoteelladaasi ku dhintey dad u badan shacab.

Shabaabka sidoo kale waxa ay horay ugu hanjabeen inay sii wadayaan weerarada ay ku qaadayaan Hotelada Muqdisho ku yaalo.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300