Published On: Fri, Jan 20th, 2017

Xilka Qaadis lagu sameeyay Taliyaha Goldogob

Munaasabad ka dhacday Degmada Goldogob ee Gobolka Mudug ayaa waxaa Xilkii looga wareejiyay

Korneyl Ismaaciil warsame Xirsi  oo ahaa Taliyihii Saldhiga Booliska Degmada.

Xil wareejinta waxaa joogay Taliyaha Booliska Gobolka Mudug, Gudoomiyaha Degmada iyo Taliyaha Cusub ee Saldhiga Ciidanka Booliska Goldogob oo Bishii ina dhaaftay ay ka dhacday Fal Foolxun oo lagu kufsaday laba gabdhood.

Ugu horeyn waxaa Munaasabada ka hadlay Cismaan Xasan Cowke Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug, wuxuu sheegay in Taliyihii hore looga baahanyahay inuu soo gudbiyo dhamaan Agabka Taliska Booliska ee uu hayo.

Waxa uu Taliyaha Cusub faray inuu Shqadiisa guto si dhawna ula socdo dhibaatooyinka ka dhanka ah Hablaha ee ka dhaca Magaalada.

Taliyaha Cusub ee Goldogob loo soo Magacaabay  C/Xamiid Warsame Cilmi ayaa isna dhankiisa madasha ka amaanay Ninka uu badalay wuxuuna tilmaamay in Shaqdiisa ugu horeysa ay noqoneyso wax ka qabashada Gabood falada ka dhanka ah Bini’aadantinimada

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300