Published On: Fri, Jan 20th, 2017

Shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Degmada Afgooye

al shabaab

Dagaal xoogan, ayaa saqdii dhexe ee caawa ka qarxay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka dib markii ay dhawr jiho ka soo weerareen mintidiinta Ururka Al Shabaab.

Maleeshiyada Al Shabaab oo hubka noocyadiisa kala duwan ku hubeysan, ayaa weeraray saldhigyada Ciidamada Dowladdu ku leeyihiin Degmada Afgooye.

Shacabka reer Afgooye, ayaa hurdada kaga soo baraarugay hubka leesku adeegsanayo dagaalka xilligan ka soconaya Degmadaasi. Afgooye waxay 30km u jirtaa Magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah dadka deegaanka, ayaa markacadeey.com u sheegay in dadku ay ku soo tooseen hugunka sawaxanka hubka cul culus, isla-markaana aanay kala garanayn halka laga jiro.

Ninkan oo codsaday inaanan magaciisa loo adeegsan Warbaahinta, ayaa tilmaamay in gees ka gees Degmada Afgooye, ay xabaddu ka dhaceyso.

Shabaabka, ayaa 18-kii bishii October dagaal culus kula wareegay gacanta ku haynta Degmada Afgooye, inkastoo saacado ka dib ay isaga baxeen.

29-kii bishii hore ee December, ayay ahayd markii weerar fashilmay ay Shabaabku ku soo qaadeen Afgooye. Ciidamada Dowladda ayaa lagu ammaanay in xilligaa ay Afgooye ka difaaceen Al Qaacidada Somaliya..

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300