Published On: Fri, Jan 20th, 2017

Maamulka Gedo oo ka hadlay Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Gobolkaasi

Ethopia-696x432

Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji ayaa waxuu qiray in Ciidamo ka soo jeeda Dalka Itoobiya , islamarkaana aan ka mid aheyn howlgalka AMISOM in ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Gobolka Gedo.

Guddoomiye Cismaan ayaa waxuu sheegay in Ciidamadan ay sidoo kale ka qeyb qaadanayaan howlgallada ka dhanka ah Xoogaga Xarakada Al Shabaab.

Waxuu tilmaamay in Ciidamada Itoobiya ee aan qeybta ka aheyn howlgalka AMISOM ay ku sugan yihiin Degaano ay ka mid tahay Tuulo-Barwaaqo.

Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji ayaa waxuu shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan in la socdeen Ciidamada Itoobiya, islamarkaana ay ka taageerayaan Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Hadalka Maamulka Gedo ayaa waxuu imaanayaa xili Ciidamada Dowladda, Kenya iyo kuwa Itoobiya ay howlgallo kala duwan ka wadaan qeybo ka mid ah Gobolka Gedo ee Galbeedka Dalka Soomaaliya.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300