Published On: Fri, Jan 20th, 2017

Caaqil Xasan oo fawdo ku tilmaamay go’aanka Xildhibaanada Maamulka Galmudug

galmudug-620x330

Isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho, Caaqil Xasan Hilowle Cismaan oo ka mid ah Cuqaasha Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Degaanada uu ka arimiyo Maamulka Galmudug ayaa ku tilmaamay fawdo iyo bilaawga xasilooni darro ka dhacda Degaanada Maamulkaasi.

Caaqilkan ayaa ku sifeeyay go’aankii Xubno ka tirsan Maamulkaasi ay ku sheegeen in ay Xilka uga qaadeen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed in uu yahay mid aan sharciga ku saleyneyn.

Waxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug qaarkood aysan ka warqaadanin Madaxdooda, balse ay qaadanayaan go’aano aan laga warheyn.

Caaqil Xasan Hilowle Cismaan ayaa waxuu ka codsaday Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed in gabi ahaanba uu kala diro Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi.

Sidoo kale, Caaqilka ayaa ka dalbaday Xildhibaanada cusub ee labada Aqalka, kuwaasi oo ku jira Baarlamaanka 10-ad ee Dalka, kana soo jeeda Degaanada Maamulka Galmudug in ay tagaan Magaalada Cadaado, ayna xaliyaan murun siyaasadeedka halkaasi ka aloosan.

Tan iyo markii Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ay ku dhawaaqeen in ay xil ka qaadis ku sameeyeen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa isa soo taraya eedeymaha loo jeedinayo Xildhibaanadaasi.

About the Author

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

gabadhiireerSudan BaadiGoob300 tuuglaxaday300 ANAASIXRAYNINKA3002 Aabedartii300 arooskaorod300